Ibraahim Hawd Yuusuf wuxu yidhi

Ibraahim Hawd Yuusuf wuxu yidhi Aabbihii iyo hooyadii wax ay is guursadeen iyaga oo labaduba aad u sabool ah. Aabbihii wax uu jabin jiray dhagaxa magaalada la gu dhiso, hooyadiina wax ay ahayd gurijoog aan lahayn wax xirfad ah oo ay ku shaqaysato. Markii uu laba jir ahaa ayuu aabbihii u dhintay xanuun feedhaha ah oo ka ga yimid hawshii adkayd ee dhagax jabinta. Waqti yar ka dib hooyadii wax ay guursatay qaadwale dabeecad xun oo isaga iyo hooyadii goor walba dila. Dabadeed yarku gurigii buu ka cararay oo wax uu noqday debedyaal. Nolosha, mayee nolol la’aanta, ayuu la qaybsaday carruurta badan ee magaalada debedyaalka ku ah.

Caawa da’diisu waa afar iyo toban jir. Dhaxan aad iyo aad u xun oo dabayl leh baa jirta oo isaga iyo saaxiibbadii waa ay xammili waayeen huluushii ay seexan jireen qabowgeeda. Wax ay naf bideen oo gunta u galeen derbi dheer oo ku meersan guri fillo ah oo uu dhowaan dhistay nin wasiir ahi, si ay u ga dugsadaan dhaxanta dabaysha darani waddo. Aroortii hore kolkii waagu iftiimay wasiirkii oo dabaqa sare daaqadda sigaar ku cabbaya ayaa arkay waxa derbiga gurigiisa ka hoos madow. Garay oo waa ciyaal dibjir ah. Isaga oo aad u cadhaysan buu saldhigga bilayska wacay. Degdeg bay u yimaaddeen oo carruurtii oo silic u hurudda gabagabeeyeen. Baabuur bay ku gureen oo qol xabbis ah ku xidheen. Maalin kalena maxkamad baa la keenay oo waxaa la gu eedeeyay dhaqan xumooyin ka la ah tuugnimo, xabag nuugid iyo in ay amniga madaxda khalkhal galiyeen, waxaana la gu xukumay xabsi. Yarkan markii xabsiga la geliyay ayay hooyadii soo booqatay, iyada oo aan xaaladdeeda nololeed tiisa dhaamin ilmo kale oo nafaqo darro ka muuqatana xambaarsan. Isaga iyo hooyadii aad bay isu gu ooyeen oo isugu dhegdhegeen. Ka dib waa ay is waraysteen, wax uuna u ga sheekeeyay sidii loo soo xidhay. Dabadeed inta ay dhabta ku jiifisay bay heestan u qaadday iyada oo u gu luuqaynaysa codkii ay u gu heesi jirtay waagii uu la noolaa. Carruurtii kale iyo maxaabbiistii kale oo dhamina waa ay ag tubnaayeen oo dhagaysanayeen. Wax ay lahayd:

Hobeey hoobeey hobeeya
Ma aabbaa geeriyooday
Ma hooyaa gacan madhnaatay
Ma guurkaa i ga xumaaday
Ma gurigaa bahalgaleena
Miyaan ku gargaari waayay
Gidaarka miyay ku geysay
Markad gabaddanada jiiftay
Bacduba waa gogol saboole
Markaad gibilkaaga qaawan
Gawaanta qabow ku haysay
Markaad gudcur maagangooye
Saqdhexe gaajada la ooyday
Markaad gacal iyo tol wayday
Kuwii gayigaaga haystay
Kuwii ginigaaga qaatay
Adoo gondahooda yaalla
Gucley ku gu dhaafayeene
Gafuurkay taagayeene
Hashaad godolkeeda dhawrtay
Markay gaawaha milaashay
Sidii gunta la gu yaqaannay
Wa tay gaar u la baxeene
Nabsiga gaaxdee is gaadhay
Markuu goortiisa joogo
Ninkii godobtiisa maalay
Siduu u galaan aqaane
Guyaad baa kuu dambayne
Markaad yara giilalyooto
Is gali gawsaha xanuunka

Hobeey hoobeey hobeeya
Godkaagi adoo xabaalan
Gadhkiyo lawyada is duubay
Intaan waaguba guduudan
Gubtooyin ma giirnaxaane
Gargaarka halkaad filaysay
Miyaa la gu gabagabeeyay
Ma guutaa ku gu jarmaadday
Askari axmaq kale u gaafan
Sidii gaal la la jihaaday
Garruunka miyuu ku saaray
Miyuu dhebi ku gu garaacay
Adoo dhiig wada guduutay
Intuu garbaduub ku giijay
Adoo caatada galluuban
Garsoorka miyuu ku geeyay
In aad tahay garac la tuuray
In aad tahay goob xun jiife
In aad tahay guri ag seexde
In aad tahay madaxda gaade
In aad tahay belo gudaysa
In aad tahay halis guduudan
In aad tahay cidi-magaratay
In aad tahay ama Gabooye
Amaba gun kaloo la jaada
In aad tahay uurgumaad yar
Guddoonka miyuu ku jiiday
Adoon weli qaanba gaadhin
Miyuu xabsi ku gu gufeeyay
Gar eexay ku gu naqeene
Guyaad baa kuu dambayne
Markaad yara giilalyooto
Is gali gawsaha xanuunka

Hobeey hoobeey hobeeya
Anoo og waxii ku gaadhay
Anoo garanaaya taaha
Ha goohine giigso hooyo
Gadaal iyo gees ha eegin
Hortaada gugaa ka muuqda
Fadkaa goonyaha u baahay
Geedkaa gadafyada ballaadhan
Buurtaa gudban ee is haysa
Bartaa isha dheeri gaadho
Haddaad ka gaddoonto maalin
Adduun baad geli gadhoodhay
Maxaa gallad Eebbe taalla!
Maxaa gal xareeda jiifa!
Maxaa haro galacda haysa!
Waxaa durdur aan go’aynnin
Waxaa ubax wada guduudan
Waxaas oo geed midhooda
Waxaa hoobaan gandoodda
Waxaa beer gurid u baahan
Waxaas oo geel irmaana
Waxaa ido gorod madow leh
Waxaa riyo geeso fiiqan
Waxaa lo dareertay gaash leh
Waxaas oo guri samaada
Waxaa gabadh wada garaysan
Waxaa giblo kuu baxaysa
Aday kuu gaaxsan yiine
Guyaad baa kuu dambayne
Markaad yara giilalyooto
Is gali gawsaha xanuunka

Hobeey hoobeey hobeeya
Markaad tahay gaban yar hooyo
Waqtigu wuu gaabiyaaye
Gugiisaad raagsataaye
Sidii diin soo gurguurtay
Gaddiisuu ku gu noqdaaye
Gubtahanyaad laabkacdaaye
Qof weyn baa garan yaqaanne
Wuxuba waa laba galboode
Intaan laba galow is eegin
Waxaad noqon geed-ka-boode
Gaashaanqaad baad ahaane
Guyaad baa kuu dambayne
Markaad yara giilalyooto
Is gali gawsaha xanuunka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *